
Afeef sharci ah
Boggani wuxuu bixiyaa macluumaad sharci oo guud. Macluumaadkani wuxuu kaa caawin karaa inaad fahamto sharciga iyo hannaanada khuseeya xuduudda, xuquuqdaada iyo mas'uuliyadahaaga iyo goorta iyo meesha aad ka heli karto caawimaad.
Websaytkani ma bixiyo talo sharci oo ku saabsan xaaladdaada gaarka ah. Macluumaadkani kuuma sheegayo waxa kugu dhici doona marka aad ku sugan tahay xaduudda ama go'aanka ay tahay inaad qaadato.
Sharciga lagu maamulo dadka ka soo galaya xaduudda u dhexaysa Canada iyo Mareykanka waa mid adag xaaladda gaarka ah ee qofkastaana waa ay ka duwan tahay tan dadka kale. Waxaan kugu dhiirigelinaynaa inaad hesho talo sharci. Wax ka baro adeegyada sharci ee rugtayadu bixiso si aad u aragto in aan ku caawin karno iyo in kale (https://canadaborderclinic.org/legal-advice/).
Su'aalaha Caadiga ah
Kanada iyo Mareykanku waxay isticmaalaan ereyo kala duwan habka loo weydiisto magangalyo. Kanada, tan waxaa loogu yeeraa 'sameynta dacwad qaxooti.' Mareykanka, waxaa loogu yeeraa 'raadinta magangalyo' ama 'sameynta dacwad magangelyo.' Erayadu way kala duwan yihiin, laakiin fikraddu waa isku mid: weydiisashada magangalyo sababtoo ah waxaad ka baqaysaa in lagu dhibaateeyo waddankaaga hooyo.
Wax badan ka baro sida dacwadaha qaxootiga loogu go'aamiyo Kanada .
Si aad u ogaato inaad dacwad qaxootinimo ka gudbin karto xaduudda Canada, marka hore waxaad u baahan tahay inaad ogaato Heshiiska Waddanka Saddexaad ee Ammaanka ah (STCA).
STCA waa heshiis dhexmaray Canada iyo Mareykanka. Heshiiskani waxa uu go'aamiyaa waddanka uu qofku kasoo gudbin karo dacwadda qaxootinimo. STCA waxa uu sheegayaa in dadka badankooda ee ku sugan Mareykanka aysan kasoo gudbin karin dacwad qaxootinimo xaduudda Canada.
Haddii aad joogtid Mareykanka, waa inaad u qalantaa ka reebitaan STCA ah si aad dacwad qaxootinimo uga gudbiso meelaha laga gudbo ee xaduudda Canada. Xubin qoys oo kasta oo kugula jirta dacwadda qaxootinimadu waa inay iyaduna sidoo kale u qalantaa ka reebitaanka STCA.
Markaad timaaddo xaduudda Canada, sarkaal ka socda Hay'adda Adeegyada Xuduudaha Canada (CBSA) ayaa ku wareysan doona oo dib u eegi doona dukumentiyadaada. Waxa uu go'aan ka gaari doonaa in adiga, iyo wixii xubno qoys ah ee kula socda, aad buuxiseen shardiga ah ka reebitaan STCA ah. Canada si gaar ah ayay dib ugu eegtaa xaaladda xubin kasta ee qoyska ah. Taas macnaheedu waa in ay dhici karto in hal xubin oo qoyska kamid ah ay u qalmi karto ka reebitaan halka xubin kale oo qoyska ka mid ah aysan u qalmin. Sidaas darteed, xubnaha qoyska waxa dhici karta in lagu siiyo go'aanno kala duwan xaduudda Canada.
Haddii CBSA ay go'aansato in aanad u qalmin ka reebitaan STCA, laguuma ogolaan doono inaad kasoo gudbiso dacwad qaxootinimo xaduudda Canada. Waxaa lagugu celin doonaa Mareykanka.
Haddii CBSA ay go'aansato inaad u qalanto ka reebitaan, waxaa laguu oggolaan doonaa inaad soo gasho Canada. In laguu ogolaado inaad soo gasho Canada qasab ma aha in macnaheedu yahay in dacwadaada qaxootinimo ay noqon doonto mid u qalanta in loo diro Guddiga Socdaalka iyo Qaxootiga (IRB). IRB waa maxkamadda dowladda Canada ee go'aamisa cidda ilaalin qaxootinimo ka heli doonta Canada. Waxa jira xeerar kale oo go'aamiya in dacwad qaxootinimo ay noqoto mid loo diro Hay'adda Socdaalka iyo Qaxootiga Canada (IRB) iyo in kale.
Hoos waxa ku qoran ka reebitaanada Heshiiska Waddanka Saddexaad ee Ammaanka ah (STCA). Dadka caddayn kara inay u qalmaan mid ka mid ah ka reebitaanadan waxay soo geli karaan Canada waxayna codsan karaan magangalyo qaxootinimo.
Waxaad u qalmi kartaa ka reebitaankan haddii xubin qoys oo dhow aad ku leedahay Canada oo haysta xaalad socdaal oo u qalanta. Xubintan qoyska ah ee Canada ku nool waxaa loogu yeeraa qaraabo lagu soo hirto "anchor relative."
Xubinta qoyskaaga ah kuma qasbana in uu kugu siiyo taageero dhaqaale ama mid kale Canada si uu ugu qalmo in uu noqdo qaraabo lagu soo hirto. Qaraabada lagu soo hirto ma ahan kafaala-qaade.
Qaraabadaada aad kusoo hiranayso waa inay buuxisaa saddexda shuruudood ee soo socda:
Shardiga koowaad: Kaliya noocyo wax isku ahaansho qoys ah oo gaar ah ayaa u qalma. Si ay ugu qalanto in ay noqoto qaraabo aad kusoo hirato, xubinta qoys ee aad ku leedahay Canada waa inay qaraabo kugu la tahay oo aad wax isugu tihiin siyaabaha soo socda:
- xaas/say (oo uu ku jiro xaaska/sayga aad isku jinsiga tihiin), haddii guurkaagu yahay mid sharci ah oo run ah
- lammaane aa guur-la'aan ku wada nooshihiin "common-law partner" (oo aad wada noolaydeen ugu yaraan 12 bilood oo xiriir ah)
- waalid
- ilmo
- walaal wiil iyo gabadh ka uu yahayba (oo ay ku jiraan walaalo hal waalid wada dhaleen)
- awoowe ama ayeeyo
- ilmo awoowe/ayeeyo loo yahay
- eedo/habaryar ama adeer/abti (walaalka waalidkaa)
- ilme walaalkaa ama walaashaa dhashay
- mas'uul sharci ah
Ma jiraan xubno qoys oo kale oo u qalma. Kuwa soo socdaa waa tusaalooyinka dadka aan noqonkarin qaraabo lagu soo hirto:
- inaadeer/ inaabti/ habro-wadaag
- eeddo weyn ama abti weyn (eeddo yar ama abti weyn oo waalidkaa ah)
- xidid (soddoh, dumaashi/seeddi iwm.)
- xaaska waalidkaaga, ilmaha xaaskaaga ama ilmaha xaaska waalidkaaga
- qof aad u aragto xubin qoyska ka tirsan, laakiin aan qaraabo ku ahayn dhiig ama korsasho
Waxaad u baahan doontaa inaad caddayso waxa aad isku tihiin qaraabadaada aad kusoo hiranayso.
Sidoo kale eeg: Dukumentiyadee ayaa iga caawin kara inaan caddeeyo xiriirka aan la leeyahay xubinta qoyskayga ee Kanada?
Shardiga labaad: Xubinta qoyskaaga waa inay sidoo kale ku leedahay sharci socdaal oo u-qalanta Canada. Waa inay ahaadaan mid ka mid ah kuwa soo socda:
- muwaadin reer Canada ah
- degenaansho rasmi ah haysta
- qof magangalyo haysta, tusaale ahaan, qof dacwaddiisii qaxootinimo la aqbalay
- qof gudbiyey dacwad qaxootinimo oo qaangaar ah (18+) oo dacwaddiisa loo diray Guddiga Socdaalka iyo Qaxootiga (IRB)
- qof qaangaar ah (18+) oo haysta ogolaansho shaqo ama ogolaansho waxbarasho oo ansax ah, inta badan xaaladaha
- xaaladaha qaarkood, qof codsigiisa bani'aadamnimo iyo naxariis (H&C) ama codsigiisa kafaala-qaadka xaaska/sayga ee gudaha Canada lagu ansixiyay mabda' ahaan
Kuwa soo socdaa waa tusaalooyinka dadka aan noqon karin qaraabo lagu soo hirto sababtoo ah ma laha xaalad socdaal oo u qalanta:
- qof gudbiyey dacwad qaxootinimo oo ka yar 18 sano jir
- qof gudbiyey dacwad qaxootinimo oo dacwaddiisa la diiday, laga noqday, la tuuray ama la joojiyay
- qof gudbiyey dacwad qaxootinimo oo dacwaddiisu tahay mid aan u qalmin in loo diro IRB, oo ay ku jiraan dadka codsaday Qiimaynta Khatarta Kahor Ka Saarista (PRRA) ama dadka aan laga saari karin Canada. Halkan ka eeg si aad wax badan uga ogaato dacwadaha aan u qalmin.
- qof haysta ogolaansho shaqo ama waxbarasho oo ka yar 18 sano jir
- qaar ka mid ah dadka haysta ogolaanshaha shaqada oo ogolaanshahooda la siiyay dadka la diiday ama aan u qalmin
- booqde
Shardiga saddexaad: Xubinta qoyskaaga ee Canada joogta waa inay sidoo kale jir ahaan joogtaa Canada marka aad dacwadaada qaxootinimo ka gudbinayso xadka. Haddii uu dalka dibaddiisa joogo, xitaa si ku meel gaar ah, uma qalmi karo in uu noqdo qaraabo lagu soo hirto.
Waxaad u qalmi kartaa ka reebitaanka ilmaha aan lala socon haddii dhammaan shuruudaha soo socdaa ay jiraan. Waxa aad tahay:
- mid da'diisu ay ka yar tahay 18 sano
- mid aan xaas lahayn
- mid aan ku jirin xidhiidh guur-la'aan ku wada noolaansho
- mid aanu waalid ama mas'uul sharci ah u joogin Canada ama Mareykanka
Uma qalmi doontid ka reebitaanka haddii waalidkaaga ama mas'uulkaaga sharciga ah ay joogaan Mareykanka ama Canada, xitaa haddii ay halkaas ku joogaan si ku meel gaar ah ama aysan lahayn sharci socdaal oo ansax ah. Waa joogitaanka waalidkaaga ee labada waddan, ee maaha xaaladda socdaalka, waxa ahmiyadda la siinayaa. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad caddayso goobta waalidkaa joogo.
Haddii aad caddeyn karto inaad tahay qof aan waddan lahayn isla markaana "degane joogto ah" aad ka tahay Mareykanka, waxaad u qalmi kartaa ka reebitaan STCA ah.
Canada waxay qofka u aragtaa "mid aan waddan lahayn" haddii uusan jirin waddan u aqoonsan in uu yahay muwaadinkiisa sida ay dhigayaan sharciyadiisu, ama sida sharciyadu u shaqeeyaan. Si aad ugu qalanto ka reebitaankan, waa inaadan awoodin inaad ka hesho muwaadinimo waddan uun, xitaa haddii aad qaaddo dhammaan tallaabooyinka macquulka ah si aad u codsato.
Marka laga soo tago inaad tahay bilaa dal, waa inaad sidoo kale ka tahay "degane joogto ah" Mareykanka si aad ugu qalanto ka reebitaankan. Qofka si joogto ah u degan Mareykanka waa qof muddo dheer ku noolaa Mareykanka. Haddii aad booqasho ku joogto Mareykanka, ama aad kasii gudbayso Mareykanka ama aad ku noolayd Mareykanka muddo gaaban, Canada waxaa laga yaabaa inaysan kuu arkin inaad ka tahay "degane joogto ah" Mareykanka, mana u qalmi doontid ka reebitaankan.
Waxaa laga yaabaa inaad u qalanto ka reebitaanka shuruudda haystaha dukumentiga haddii aad caddayn karto inaad haysato:
- fiisaha deganaanshaha ku meel gaarka ah ama deganaanshaha rasmiga ah ee Canada oo ansax ah
- ogolaansho deganaansho ku meel gaar ah oo ansax ah (TRP)
- dukumenti safar oo ansax ah oo ay soo saartay Canada (loogu talagalay deganeyaasha rasmiga ah ama qaxootiga)
Fiisooyinka ku dhex safridda Canada iyo Oggolaanshooyinka Safarka ee Elektarooniga ah (eTAs) uma qalmi doonaan ka reebitaankan.
Waxaad u qalmi kartaa ka reebitaankan haddii aad tahay muwaadin waddan muwaadiniintiisu aysan u baahnayn fiiso si ay u soo galaan Canada laakiin ay u baahan yihiin fiise si ay u soo galaan Mareykanka.
Ogow inaad u baahan tahay fiise si aad ugu safarto Canada iyo in kale (https://www.canada.ca/en/immigration-refugees-citizenship/services/visit-canada/check-visa-eta.html).
Waxaad u qalmi kartaa ka reebitaankan danta dadweynaha haddii aad caddeyn karto in laguugu soo oogay ama laguugu helay dambi lagu mutaysan karo ciqaab ah dil dalkaaga ama Mareykanka.
Uma qalmi doontid ka reebitaankan haddii aad ka baqayso inaad halis geliso noloshaada laakiin aan laguugu soo oogin ama aan laguugu helin dambi lagu mutaysan karo ciqaab ah dil.
Waxaad u qalmi kartaa ka reebitaankan haddii:
- Aad isku dayday inaad Mareykanka kasoo gasho Canada balse laguu diiday inaad Mareykanka gasho. Hadda lagugu celinayo Canada. Haddii aadan waligaa yeelan dacwad magangelyo oo uu go'aamiyay Mareykanka, waxaad awood u yeelan kartaa inaad dacwad qaxootinimo ka gudbiso xaduudda Canada.
ama
- Aad ka tahay degenaansho rasmi ah ka haysato Canada. Lagaa masaafurinayo Mareykanka oo lagu gaynayo Canada.
STCA ma khuseyso muwaadiniinta Mareykanka. Taas macnaheedu waa in muwaadiniinta Mareykanka loo ogolaado inay dacwado qaxootinimo ka gudbiyaan xaduudda Canada. Si kastaba ha ahaatee, waxaanu si xooggan ugu talineynaa in muwaadiniinta Mareykanku ay si taxaddar leh uga fiirsadaan cawaaqibta ka dhalanaysa.
Maya, Heshiiska Waddanka Saddexaad ee Ammaanka ah (STCA) lagu ma dhaqangeliyo garoon diyaaradeed ama deked. Haddii aad ku timaado diyaarad ama markab, uma baahnid inaad u qalanto ka reebitaan.
Waxa jirta hal xaalad oo STCA laga dhaqangelin doono garoonka diyaaradaha. Haddii aad rabto inaad dacwad qaxootinimo ka gudbiso garoonka diyaaradaha ee Canada iyada oo lagaa masaafurinayo Mareykanka oo lagu sii marinayo Canada, STCA ayaa la dhaqangelinayaa.
